Maamulka Jubbaland ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan dhammaadka muddo-xileedka Baarlamaanka Federaalka iyo xukuumadda, iyadoo aan weli la gaarin heshiis doorasho. War saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in Golaha Xukuumadda oo ka dhacay magaalada Kismayo in si qoto dheer uga doodeen xaaladda hubanti la’aanta ah ee dalka iyo mustaqbalka hay’adaha Federaalka.
Golaha ayaa sheegay in 14-kii Abriil 2026 uu dhammaatay muddadii Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka, halka tan Madaxweynaha uu ku egyahay 15-ka May 2026. Sida ay sheegtay Jubbaland, dhammaadka muddadaasi wuxuu si siman u saameynayaa dhammaan hay’adaha Federaalka, wuxuuna keeni karaa khataro amni iyo hoos u dhac ku yimaada howlaha dowliga ah haddii aan xal degdeg ah la helin.
Sidoo kale, ayaa si adag uga digay faragelin kasta oo ka timaadda dowlado shisheeye oo wax u dhimaysa madaxbannaanida siyaasadeed ee dalka, iyagoo xusay in tallaabooyinka noocaas ahi ay sii xumeyn karaan xaaladda isla markaana horseedi karaan burbur iyo kala qaybsanaan hor leh. Waxay ugu baaqeen dhammaan daneeyayaasha gudaha iyo saaxiibada caalamiga ah inay si wadajir ah uga shaqeeyaan ilaalinta sharciyada iyo heshiisyada jira, isla markaana la helo xal loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda adag ee dalka.
Ugu dambayn, Golaha ayaa hoosta ka xarriiqay in wadatashi dhab ah iyo is-afgarad siyaasadeed ay yihiin dariiqa kaliya ee lagu xaqiijin karo xasillooni waarta iyo sii jiritaanka hay’adaha dowladda, iyagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in si degdeg ah loo gaaro heshiis siyaasadeed oo lagu badbaadinayo hannaanka dowladnimada dalka.
HBN ONLINE TV

