Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay 174 muwaadin Soomaali ah, kuwaas oo intooda badan ah dhalinyaro ku xirnaa xabsiyo sharci-darro ah oo ku yaalla dalka Liibiya, ayna kala soo kulmeen dhibaatooyin iyo tacadiyo aad u adag.
Muwaadiniintan ayaa laga soo kala dejiyey garoomada Muqdisho 159 ruux iyo Hargeysa 15 qof ah, waxaana Caasimadda ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo madaxda Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan soo celinta muhaajiriinta iyo xuquuqda carruurta iyo hay’adda caalamka ee arimahaan ka shaqeeya.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in soo celinta ay kala kaashatay taageero ka timid Midowga Yurub iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM), oo hore uga qayb qaadatay dufcooyin kale, iyada oo tilmaantay inay ka go’an tahay in ay waqti iyo dadaal ku bixiso soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibban dalalka shisheeye.
Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Xasan Maxamed Cali oo ka hadlay qoshaha ayaa sheegay in dowladdu ay juhdi badan ku bixisay sidii Muwaadiniinta Soomaaliyeed dalkooda dib ugu soo laaban lahaayeen.
“Dadka maanta la soo celiyey waa 174 qof ayaa duulimaadkan ku yimid, waxaana laga soo qaaday dalka Tripoli Liibiya, 15 ka mid ah dadkaasi waxay ku soo hareen Hargeysa ” ayuu yiri Wasiir Xasan Maxamed.
Sidoo kale, Dhalinyarada qaar maanta ka soo degay Muqdisho ayaa ka warbixiyey waxa ay ku soo arkeen xabsiyada Magafayasha Liibiya, kuwaa oo ay tilmaameen inay ahaayeen kuwa aad u adag.
Tani ayaa noqonaysa markale tiradii ugu badnayd ee hal mar dalka lagu soo celiyo, iyada oo 23-kii Bishii September 2025 la soo celiyey 173 ruux. Horaantii bishaan Abriil Dowladaha Soomaaliya iyo Liibiya ayaa heshiis ku gaarey in dalka dib loogu soo celinayo ilaa 400 oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo wadanka uga baxay qaab tahriib ah.
Tahriibayaasha Soomaaliyeed ee Liibiya u socdaalaya ayaa inta badan wajahaan, xarig sharci-darro ah iyo jirdil, madax-furasho lacageed oo qoysaskooda lagu cadaadiyo & halista bad-mareenka, taasoo sanad walba sababta dhimashada boqollaal qof.
HBN ONLINE TV

