Lacagta Shilinka Soomaaliga oo si baahsan ugu degdegaysa in laga diido Koonfurta Soomaaliya

Lacagta Shilinka Soomaaliga ayaa si isa soo taraysa looga diidayaa qaar ka mid ah deegaanada Koonfurta Soomaaliya, iyadoo arrintan ay saameyn weyn ku yeelatay nolosha bulshada iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga.

Wararka ka imaanaya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in goobaha ganacsiga ay gebi ahaanba xirmeen, kadib markii ganacsatadu diideen qaadashada lacagta shilinka. Dadka deegaanka oo arrintaasi ka carooday ayaa dhigay dibadbaxyo mararka qaar rabshado watay, iyagoo ka cabanaya in aysan haysan lacag kale oo ay ku beddeshaan, taasoo keentay in adeegyada aasaasiga ah iyo raashinka la gadan waayo.

Sidoo kale, xaaladda ayaa saameysay adeegyada caafimaadka, iyadoo isbitaalka weyn ee Baardheere iyo goobo kale oo muhiim ah ay hoos u dhaceen howlahooda. Dadka qaar ayaa sheegay in aanay suurtagal ahayn in maceeshada lagu gado lacagta danabaysan, tii oo ay u dheer tahay in dadkii awal haystay shilinka aysan wax ka iibsan waayaan suuqyada magaalada.

Dhanka kale, banaanbaxyo la xiriira diidmada lacagta shilinka ayaa ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo dibadbaxayaal careysan ay taayiro ku gubeen waddooyinka, isla markaana ay xirmeen xarumo ganacsi, halka la soo wariyey inay weerareen goobo ganacsi.

Inkastoo rabshado ay dhaceen, weli lama soo warin wax khasaare rayid ah, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka oo ku aaddan xaaladda taagan.

Horaantii bishaan, magaalada Muqdisho ayaa laga diiday qaadasha iyo in wax lagu kala gato, kadib markii ganacsato badan ay joojiyeen qaadashada lacagta kunka shilin oo ahayd tan ugu isticmaalka badan ama dalku uu lahaa.

Inta badan gobollada dalka ayaa horey uga baxay isticmaalka lacagtaas, iyadoo shacabka si weyn ugu wareegeen lacagta danabeysan ee mobile-ka, taas oo hadda lagu bixiyo adeegyada maalinlaha ah, xilli dowladda ay ku soo rogtay canshuur dhan 5% ganacsiga caasimadda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed