NISA oo faahfaahin ka bixisay howlgallo lagu dilay in ka badan 30 Alshabaab ah Shabeellaha dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegay in howlgallo qorsheysan oo ka dhacay dhowr deegaan oo dhaca gobollada dhexe ah in lagu dilay soddomeeyo maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Alshabaab, iyada oo gacan laga helayo saaxiibada caalamiga ah.

Howlgalka 1-aad ayaa lagu beegsaday guri ay ku sugnaayeen horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo ku yaalla deegaanka Guulane, kaasi la tilmaamay in lagu dilay lagu dilay 15 xubnood, laguna burburiyay xaruntii ay ku sugnaayeen oo ay u adeegsan lahaayeen sida la hadalka loo dhigay abaabulka maleeshiyaadka iyo qorsheynta falal amni darro.

Sidoo kale, howlgallo isxig-xigay oo lagu qaaday maleeshiyaad ku dhuumaaleysanayay isla deegaanka ayaa la sheegay in lagu dilay in ka badan 18 xubnood, halka lagu gubay gaari Cabdi-bile ah oo ay u adeegsanayeen dhaqdhaqaaqyada iyo daabulka ciidamadooda, taasoo si weyn u wiiqday sida NISA sheeggtay abaabulkii ay wadeen.

Howlgalladan ayaa yimid kaddib markii sirdoonka ay xaqiijisay in ilaa 90 xubnood lagu uruuriyay deegaanka si loogu adeegsado falal ay ku tilmaantay kuwa lid ku ah amniga, waxaana xigay tallaabooyin looga hortagay, iyadoo NISA ay ugu baaqday shacabka inay la wadaagaan wixii macluumaad ah ee la xiriira Al-Shabaab ama Daacish.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed