Mid kamid ah Shirkadda ugu weyn caalamka oo hakisay xamuulkii ay geyn jirtay dekadda Berbera

Shirkadda weyn ee maraakiibta xamuulka qaada ee Maersk ayaa hakisay dalabyadii cusbaa ee dekedda magaalada Berbera, taasi oo la tilmaamay inay saameyn ku yeelatay raridda badeecadaha ay ku jiraan kuwa u socda Itoobiya.

Maersk, oo ah shirkad caalami ah oo hormuud ka ah gaadiidka konteenarrada, ayaa ku dhawaaqday hakintan ku-meelgaarka ah ee dalabaadka cusub ee xamuulka ee loo soo diro ama laga qaado dekedda Berbera, taasoo ah marin muhiim u ah gaadiidka badeecadaha u gudba dalalka deriska la ah Soomaaliya oo ay Itoobiya ka mid tahay.

War ay shirkaddu soo saartay 20-kii bishaan Abriil ayay ku sheegtay in hakintan ay si degdeg ah u dhaqan-gashay, isla markaana ay la xiriirto isbeddello ku yimid jadwalka safarada. Maersk ayaa qiratay in dekedda Berbera loo adeegsan jiray xamuulka gudaha iyo isku xirka suuqyada deriska ah, gaar ahaan Itoobiya.

Itoobiya ayaa u aragta dekedda Berbera mid ay sii kordhaysay muhiimaddeeda, gaar ahaan dhinaca dhoofinta iyo soo dejinta badeecadaha. Wafdi heer sare ah oo ka socday Itoobiya ayaa booqday dekedda iyo Aagga Dhaqaalaha Xorta ah ee Berbera bishii Diseembar 2025, taasoo muujineysa sida ay ku dooday warbaahinta gudaha Itoobiya xiisaha Addis Ababa ee ku aaddan ballaarinta iskaashiga ganacsi iyo maalgashi ee marin-badeedka Badda Cas.

Mas’uuliyiin ayaa sheegay in booqashadu qayb ka ahayd dadaallo ballaaran oo lagu xoojinayo xiriirka dhaqaale iyo isku xirka gobolka, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey xubno sare oo Somaliland ah, kuwaa oo carrabaabay in isbeddellada la sameeyay lagu horumarinayo waxqabadka dekedda, nidaamka kastamyada, iyo fududeynta ganacsiga.

“Waxaan fahamsanahay inaad ku tiirsaneydeen adeegyada Berbera si aad u gaarsiisaan xamuulka gudaha iyo suuqyada deriska ah sida Itoobiya,” ayay Maersk ku tiri wargeyskeeda macluumaadka ay sii daysay.

Si kastaba ha ahaatee, shirkaddu waxay caddeysay in xamuulka horey ugu sii jeeday Berbera uu gaari doono meelihii loogu talagalay sida qorshuhu ahaa, inkastoo hakintan ku-meelgaarka ah lagu guda jiro.

“Inta lagu jiro hakinta, waxaan hubin doonaa in dhammaan xamuulka hadda socda la gaarsiiyo goobihii loogu talagalay,” ayay shirkaddu sheegtay. Maersk ayaa sidoo kale xaqiijisay in adeegyadeeda dekedaha kale sida Jabuuti, Muqdisho iyo Mombasa ay sii shaqeynayaan, isla markaana ay taageerayaan isku xirka saadka gobolka, oo ay ku jiraan silsiladaha sahayda ee la xiriira Itoobiya.

Shirkaddu waxay kula talisay macaamiisha u baahan isku xirka Berbera inay la xiriiraan wakiillada shirkadda si ay u helaan fursado kale oo gaadiid dhulka ah. Maersk weli ma aysan bixin sabab rasmi ah oo ka dambeysa go’aankan, balse tallaabadan ayaa imanaysa maalmo yar kadib markii maamulka Xuutiyiinta ee Yemen uu ka digay waxa uu ku tilmaamay kordhinta xiriirka Israa’iil ee Somaliland, oo ay ku jirto magacaabista safiir Israa’iil u fadhiya Hargeysa.

Maamulka Xuutiyiinta ee Sanca ayaa sheegay in arrimahaas ay khatar ku yihiin madax-bannaanida Soomaaliya iyo xasilloonida marin-badeedka Badda Cas, iyagoo sidoo kale ku tilmaamay joogitaanka Israa’iil ee Somaliland “xariiq cas,” isla markaana ka digay saameyn amni oo ku fidi karta Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed