Dowladda Iiraan ayaa si kulul u cambaareysay tallaabada Israa’iil ay safiir ugu magacowday Somaliland, iyadoo ku tilmaantay mid xadgudub ku ah madax-bannaanida Soomaaliya iyo sharciga caalamiga ah.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan, Esmaeil Baqaei, ayaa sheegay in go’aanka Israa’iil uu yahay faragelin cad oo lagu wiiqayo xasilloonida gobolka, isla markaana aan la aqbali karin.
Baqaei ayaa ugu baaqay beesha caalamka, gaar ahaan Qaramada Midoobay, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Midowga Afrika (AU) iyo dalalka kale, inay si wadajir ah uga hortagaan waxa uu ku tilmaamay faragelinta iyo ficillada qalqal gelinaya ee Israa’iil ay ka waddo gobolka.
Hadalkan ka soo baxay Iiraan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan falcelinta iyo dhaleeceynta ka dhanka ah tallaabada Israa’iil ee la xiriirta Somaliland, taasoo ay dalal iyo ururro kala duwan si adag uga hadleen.
HBN ONLINE TV

