Muqdisho oo wali uu ka hirgeli la’yahay amarkiii dib loogu soo celinayey isticmaalka Shilinka Soomaaliga ah

Waxaa magaalada Muqdisho ayaa wali ka dhaqan geli la’ amarkii maamulka gobolka Banaadir ee ahaa in dib loo isticmaalo lacagta Shilinka Soomaaliga ah, iyadoo gaadiidka dadweynaha, maqaayadaha waaweyn iyo kuwa yaryar, iyo suuqyada qaar ay diideen qaadashadiisa.

Gobolka Banaadir hoggaankiisa oo kulan la yeeshay ganacsatada Muqdisho ayaa go’aan ku gaaray in si degdeg ah loo dhaqan galiyo isticmaalka lacagta Shilinka, waxaana si cad loo sheegay in ganacsade kasta oo diida qaadashada Shilinka Soomaaliga uu galay dambi.

Hadda, Qiimaha lacagta ayaa laga dareemayaa hoos u dhac aad u weyn oo soo gaaray qiimaheeda sarifka. Wadayaasha gaadiidka ayaa ku eedeeyey in lacagta ay qaadaan ciidamada canshuuraha laga diiday in lag qaado shilin Soomaali iyo weliba kuwa goobaha shidaalka.

Arrinta la yaabka leh ayaa ah in xitaa meelaha hore looga isticmaali jiray sida xafladaha meherka, hadda lagu bixiyo lacagta danabeysan (Mobile money), taas oo muujinaysa sida uu hoos ugu dhacay isticmaalka shilinka.

Horaantii bishan waxaa weyn looga dareemay isbeddel dhaqaale oo degdeg ah Muqdisho, kadib markii ganacsato badan ay joojiyeen qaadashada lacagta kunka shilin oo ahayd tan ugu isticmaalka badan.

Inkasta oo gobolka Banaadir uu 15-kii bsihaan Abriil soo saaray amar lagu soo celinayo isticmaalka shilinka Soomaaliga, haddana inta badan gobollada dalka ayaa horey uga baxay isticmaalka lacagtaas, iyadoo shacabka si weyn ugu wareegeen lacagta danabeysan ee mobile-ka, taas oo hadda lagu bixiyo adeegyada maalinlaha ah, xilli dowladda ay ku soo rogtay canshuur dhan 5% ganacsiga caasimadda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed