Madaxweynaha Guudlaawe oo taageeray qorshaha DFS ee doorashada qof & cod

Shirka Golaha Wasiirrada ee maamulka Hirshabeelle oo ka dhacay xaruntooda magaalada Jowhar, isla markaana uu goobjoog ka ahaa Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, ayaa maanta la sheegay in diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka, balse inta uu socday si cad looga sheegay in la taageerayo qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS.

Shirka oo lagu dhageystay marka hore warbixinno ka kala yimid Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Amniga, Gargaarka, Beeraha, Diinta iyo Isgaarsiinta, ayaa lagu faahfaahiyay xaaladihii ugu dambeeyay, iyadoo sidoo kale laga digay roobab iyo fatahaado dhici kara xili dhow, maadama wakhti roobaadka la galay.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo taageero u muujinaya qorshaha dowlada ayaa shirka ka sheegay in Golaha Wasiirrada la faray in ay u diyaar garoobaan abaabul xooggan iyo doorasho qof iyo cod ah, oo lagu garab istaagayo xisbiga JSP, isagoo yiri “Doorasho waa qof iyo cod, xisbigana waa JSP” oo ah kan Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Wuxuu shacabka ka dalbaday in ay “wacdaro ka dhigaan hannaanka doorasho ee dalka uu galay,” isagoo tilmaamay in muhiimad gaar ah leedahay in laga qayb galo doorashada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed