Itoobiya oo heegan gelisay ciidamada Badda

Ciidamada Difaaca Itoobiya ayaa shaaciyay in uu si xawli ah u socdo qorshaha lagu dhisayo ciidan badeed oo xooggan, kaas oo lagu ilaalinayo danaha qaranka iyo saameynta istiraatiijiyadeed ee dalka.

Warbixin ay Ciidamada Itoobiya soo saareen 18-kii bishaan Abriil ayaa lagu sheegay in Askarta cutubka “Tsinat” (Adkaysi) ee Dugsiga Tababarka Saraakiisha Hurso la siiyay casharro la xiriira aasaaska ciidanka badda Itoobiya, xaaladdiisa hadda iyo shuruucda caalamiga ah ee badaha.

Kabtan Kebede Michael, Taliyaha Akadeemiyadda Ciidanka Badda Itoobiya, ayaa sheegay in hay’addu ay si xooggan uga shaqeyneyso dhismaha ciidan badeed oo casri ah. Wuxuu xusay in Itoobiya leedahay taariikh badeed oo soo jireen ah, isla markaana ay horey door uga ciyaari jirtay nabad ilaalinta Badda Cas xilliyadii ay lahayd marin badeed.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in ku dhowaad 90% ganacsiga Itoobiya uu ku tiirsan yahay marinnada badda, taas oo ka dhigaysa muhiim in la helo ciidan badeed oo sugi kara amniga maraakiibta ganacsiga isla markaana ka hortagi kara khataraha sida burcad-badeedda.

Ugu dambeyn, Kabtan Kebede ayaa ugu baaqay musharaxiinta saraakiisha Askarta horkici doonta inay muujiyaan adkaysi iyo hoggaan, si ay u noqdaan jiil cusub oo hormuud u ah difaaca danaha qaranka iyo horumarinta awoodda ciidanka badda Itoobiya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed