Masar oo si kulul u cambaareysay magacaabista wakiilka Israa’iil ee Somaliland, iyada oo ku tilmaantay wax sharci darro ah

Dowladda Masar ayaa si adag u cambaareysay tallaabadii Israa’iil ay ugu magacowday wakiil diblomaasiyadeed oo loo dirayo “Somaliland”, iyadoo ku sheegtay arrintaasi mid sharci-darro ah oo ka hor imaaneysa qawaaniinta caalamiga ah.

Bayaan ka soo dowladda Masar ayaa lagu sheegay in iyadoo la raacayo go’aamada Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi in Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaasi Badr Abdelatty uu maanta 18-ka Abriil 2026 kulan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo ku dhex qabsoomay Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee Turkiga.

Wasiirka ayaa gudbiyay xog uu ka siday Madaxweyne Sisi, waxaana la sheegay in la adkeeyay taageerada joogtada ah ee Masar u hayso midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana si cad u diiday tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wiiqaysa midnimada dalka.

Sidoo kale, Masar ayaa cambaareysay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, iyadoo ku tilmaantay mid jebinaysa Axdiga Qaramada Midoobay iyo kan Midowga Afrika. Waxay carrabowday inay sii xoojinayso taageerada ay ka siiso Soomaaliya dhinacyada siyaasadda, amniga, milatariga iyo gargaarka bani’aadamnimo, iyadoo xustay muhiimadda ay xasilloonida Soomaaliya u leedahay guud ahaan amniga Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Masar taageerada joogtada ah, isagoo muujiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga labada dal si loo hormariyo danaha wadajirka ah iyo xasilloonida gobolka.

Ugu dambeyn, Masar ayaa tilmaantay in hormar laga gaaray xiriirka labada dal, oo ay ka mid yihiin duulimaadyada tooska ah ee shirkadda EgyptAir, heshiiska iskaashiga milatari ee 2024, u guurista safaaradda Masar ee Muqdisho, iyo sare u qaadidda xiriirka oo gaaray heer istaraatiiji ah sanadkii hore 2025.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed