Jubbaland oo sheegtay in aysan aqbali doonin in DFS ay doorashooyin qof & cod ah ka qabato Gedo

Maamulka Jubaland ayaa si adag uga horyimid tallaabada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku doonayso in ay doorasho qof iyo cod ah uga qabato gobolka Gedo.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay in ay is difaaci doonaan, haddii dowladda Federaalka Soomaaliya isku daydo in ay doorasho ka qabato gobolka Gedo.

“Haddii la isku dayo in Jubaland la burburiyo oo ciidanka qaranka la adeegsado tallaabo ayaan qaadaynaa, waana is difaacaynaa. ” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Jubaland.

Wuxuu intaasi ku daray in iyagu ka maamul ahaan ay xaq u leeyihiin in ay doorashooyinkooda qabsadaan, hase-yeeshee haddii dowladdu ay ku dhiirato arrintaas waxaa uu tilmaamay in ay is difaaci doonaan.

Wuxuu sheegay haddii doorasho qof iyo cod ah ka qabato gobolka in gacanta ay ula tagi doonaan, maadama ay Jubbaland goloyaasheeda deegaanka ay dooran yihiin, uuna muddo xileedkoodu ku eg tahay dhamaadka 2029-ka.

“Jubbaland doorashadeeda iyo sida loo qabanayo dastuurka dalka iyo kan maamulka ayaa fasaxaya, wax shuruucda ka baxsan cidii latimaadana gacantaan ka qabanaynaa dhibaatadii iyo mushkiladii ka dhalatana masuuliyadeeda isagaa qaadaya qofkii arintaa ku kaca” ayuu yiri markale.

Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa maalin ka hor shaaciyay in bisha lixaad ee sanadkan uu doorashooyin isku sidkan (Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiilada) ka qaban doono gobolka Gedo ee Jubaland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed