Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay Massad Boulos oo ah La-taliyaha Sare ee Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Muqdisho iyo Washington ee arimaha horumarinta iskaashiga dhinacyada danaha wadaagga ah.
Labada dhinac ayaa isla gartay sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya muhiimadda ay leedahay sii wadidda isku-dubarid dhow oo ku saabsan arrimaha mudnaanta u leh gobolka iyo kuwa caalamiga ah, xilli ay ka qeybgalayeen Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee dalka Turkiga.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhinaciisa carrabka ku adkeeyay horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhinacyada siyaasadda iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah, isaga oo si gaar ah u xusay dadaallada lagu horumarinayo nidaamka dimuqraadiyadda dalka.
Maraykanka ayaa Soomaaliya ka caawiya dhanka howlgalada duqeymaha ee dagaalka lagulajiro kooxaha loogu yeero Argagxisada ee Alshabaab iyo Daacish, taasi oo sare loo qaaday labadii sano ee ugu dambeeyey.
HBN ONLINE TV

