Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed oo shir xasaasi ah maanta ku yeeshay xaruntooda magaalada Baydhabo ayaa soo saaray awaamiir adag kaddib cabashooyin ka yimid bulshada oo lagu dalbanayey sida la tilmaamay in go’aamo cad la soo saaro arimaha hubka iyo amniga.
Shir golaha oo uu guddoominayey Hoggaamiyaha ku meel-gaarka ah Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray xaaladda guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan arrimaha amniga, doorashooyinka, xaaladaha bini’aadantinimo iyo dadaallada horumarineed ee socda.
Golaha Wasiirradu waxay sheegeen in la isku raacay dhowr qodob oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin in aan la buunbuunin ama falalka ay geystaan waxa ay ugu yeereen Khawaarijta oo ay ula jeedaan Alshabaab, si looga hortago faafinta warar dhaawici kara amniga iyo niyadda bulshada.
Sidoo kale, Golaha ayaa sheegay in aan la oggolaan karin xadgudub lagu sameeyo madaxda qaranka, iyaga oo carrabka ku adkeeyay in madaxdu ay xambaarsan yihiin masuuliyad qaran oo loo baahan yahay in la ixtiraamo.
Waxaa kale oo lagu heshiiyay in la xakameeyo hubka lagu dhex wato magaalada Baydhabo, marka laga reebo kuwa loo adeegsado sugidda amniga iyo ilaalinta madaxda dowladda, si loo yareeyo khatarta amni.
Dhanka kale, Golaha Wasiirradu waxay sheegeen in xisbiyada tartamaya loo oggol yahay inay sameeyaan ololahooda siyaasadeed, iyadoo lagu wargelinayo hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo habsami u socodka hawlaha siyaasadda.
HBN ONLINE TV

