Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Soomaaliya ayaa maanta eedeymo culus iyo cambaareyn u jeediyay dowladda Federaalka, kaddib xiisad sii xoogeysaneysa oo ka taagan xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, halkaas oo la sheegay in dad rayid ah laga rarayo guryo ay deganaayeen oo ku yaalla dhul lagu tilmaamay dan guud.
Xiisaddan ayaa si gaar ah uga taagan xaafadaha Warlaliska ee degmada Deyniile, gobolka Banaadir, halkaas oo ciidamada dowladda ay ka wadaan howlgallo lagu sheegay kuwa “burburin ah”, arrintaas oo sababtay iska horimaadyo iyo gacan ka hadal dhexmaray shacabka iyo ciidamada.
Madaxdii hore ee dalka wax ka soo maamulay oo ay ka mid yihiin madaxweynayaal iyo ra’iisul wasaareyaal hore ayaa si kulul uga hadlay arrintan. Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dil, barakicin iyo caburin lagu hayo sida uu hadalka u dhigay shacabka Muqdisho aysan ahayn wax la aqbali karo, isagoo ka digay in ay horseedi karto kacdoon dadweyne iyo niyad jab ku yimaada dowladnimada.
Sidoo kale, Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed ayaa dowladda ku eedeeyay inay waddo tacaddiyo isugu jira dil, xarig iyo barakicin xooggan, halka Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre uu cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay duullaan, dhul-boob iyo tacaddiyo ka dhan ah shacabka degmada Deyniile.
Dhankiisa, Ra’iisul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay ciidamada dowladda in ay ka fogaadaan fulinta wuxuu ku sheegay awaamiir kasta oo ka hor imaanaya sharciga iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, gaar ahaan kuwa la xiriira tacaddiyada ka dhanka ah shacabka difaacaya dhulkooda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka wadday Muqdisho howlgallo burburin ah oo looga saarayay dhismayaal aan sharciyeysneyn dad rayid ah oo deganaa, kuwaas oo ay ka saameysay xaafado badan oo ka tirsan gobolka Banaadir.
HBN ONLINE TV

