Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in gobolka Geeska Afrika uusan heli doonin nabad waarta ilaa Itoobiya ay hesho marin badeed, isaga oo arrintan ku tilmaamay mid lama huraan u ah horumarka iyo amniga dalkaas.
Wareysi gaar ah oo uu siiyay warbaahinta qaranka Itoobiya (EBC), ayuu Abiy ku sheegay in bad la’aantu ay si weyn u curyaamisay kobaca dhaqaalaha dalkiisa, isla markaana ay ka hor istaagtay inay noqoto dal isku filan oo ka qeyb qaata tartanka caalamiga ah.
Wuxuu xusay in deked la’aantu ay tahay caqabad weyn oo Itoobiya ka hortaagan inay quudiso shacabka, islamarkaana horumariso warshadaha, isaga oo tilmaamay in khayraad badan uu yaallo inta u dhaxaysa Mesawa ilaa Muqdisho, balse aan si buuxda looga faa’iidaysan. Mesawa oo magaalo dekedeed ayaa ku taalla Waqooyiga dalka Eritrea.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisu ay wado qorshayaal degdeg ah oo lagu yareynayo saameynta deked la’aanta, kuwaas oo ay ka mid yihiin horumarinta tareenno, xarumo badeeco lagu dejiyo iyo waddooyin waaweyn, si loo dhimo kharashaadka ku baxa isticmaalka dekadaha, gaar ahaan midda Jabuuti.
Dhanka kale, Abiy Axmed ayaa ka digay in haddii aan xal loo helin arrinta marin-badeedka, aysan Itoobiya oo keliya saameyn doonin, balse ay saameyn ku yeelan karto xasilloonida guud ee gobolka iyo ganacsiga caalamiga ah, isaga oo carrabka ku adkeeyay in arrintan lagu xallin karo oo keliya wada-xaajood nabadeed.
Hadalka Abiy ayaa imanaya xilli ay hore muran uga dhex abuurtay Itoobiya iyo Soomaaliya, iyadoo Addis-Abab ay hore ugu tiirsaneyd dekadda Casab ee Eritrea, balse sannadihii dambe si weyn ugu tiirsaneyd dekadda Jabuuti oo ay badeecooyinkeeda kala soo degto.
HBN ONLINE TV

