Maamul gobleedka Puntland ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen waxay kaga hadleen mudda xileedka baarlamaanka iyo kan madaxwaynaha, iyaga oo sheegay in hadda uu dalku uu galay sida ay hadalka u dhigeen burbur siyaasadeed iyo qalalaase amni.
Qoraalka madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in kulan ay yeesheen golaha wasiiradda islamarkana madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu shir guddoomiyey ayaa lagu sheegay in muddo xileedka baarlamaanka federaalku ku ekaa 14 April, yadoo aan weli la gaarin sida hadalka loo dhigay heshiis siyaasadeed oo laga wada qanacsan yahay.
Warsxaafadeed ka soo baxay Puntland ayaa lagu yiri “Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland wuxuu caddeynayaa in si waafaqsan Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 60-aad uu 14-kii April 2026 dhammaaday muddo xileedkii dastuuriga ahaa ee Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya”.
Waxaa sidoo kale qoraalka Puntland lagu xusay in mudda xileedka madaxwaynaha dowladda federaalka uu ku egyahay 15 bisha May 2026 ee soo socota, ayna ugu baaqayso inuu ka shaqeeyo heshiis loo dhan yahay inta ka harsan muddadiisa si doorasho loo galo.
“Muddo xileedka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa sidoo kale ku eg 15-ka May 2026 sida ku cad qodobka 91-aad ee Dastuurka Federaalka ee kumeel gaarka ah. Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wajahaya xaalad hubanti la’aan dastuuri ah, Dalka ayaana qarka u saaran burbur siyaasadeed iyo qalalaase amni.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Puntlanda.
Dhanka kale, hadalka Puntland ayaa lagu sii daray “Puntland waxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ugu baaqaysaa in uu badbaadiyo jiritaanka midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, uuna qabto shir deg deg ah, ka hor inta aan muddo xileedkiisu dhammaan, si xal wada oggol ah looga gaaro doorashooyinka hay’addaha Federaalka Dalka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha iyo kuwa Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah.”
Warka Puntland ayaa waxaa ka sii horeeyey hadalo iyo shirar ay yeesheen xubnaha siyaasiyiinta ay kula jirto madasha Golaha mustaqbalka Soomaaliya, kuwaa oo dalbaday in dowladdu qabato doorasho loo dhan yahay, inkasta oo aanay ilaa hadda hadaladaasi wax ka jawaab ah ka bixin dowladdu, halka bedelkeeda ay wado mid qof iyo cod ah.
HBN ONLINE TV

