Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa si adag u cambaareysay tallaabo ay sheegtay in ay qaaday Israa’iil, taas oo la xiriirta magacaabista wakiil diblomaasiyadeed oo loo dirayo Somaliland, iyadoo ku tilmaantay mid wax u dhimaysa madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.
Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaabadan ay si cad uga hor imaaneyso sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan mabaadi’da Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, kuwaas oo aqoonsan Soomaaliya inay tahay dal midaysan oo aan la kala qaybin karin.
Sidoo kale, dowladda ayaa caddeysay inay si buuxda u diiddan tahay isku day kasta oo lagu siinayo aqoonsi diblomaasiyadeed qayb ka mid ah dhulkeeda, iyadoo ku adkeysatay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aanay jirin wax sal sharci ah oo lagu taageeri karo gooni-goosad.
Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu yiri “Waa go’aan gardaro ah, Israa’iil waxaa ay jabisay Axdiga Qaramada Midoobay iyo mabaadi’da aasaasiga ah ee Midowga Afrika, kuwaas oo labaduba caddeynaya in ay Soomaaliya tahay dowlad madaxbannaan”.
Dhanka kale, Soomaaliya ayaa sheegtay in ay difaaceyso midnimad dalka, iyadoo kaashaneysa saaxiibada caalamiga ah sida Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, Midowga Yurub, iyo beesha caalamka.
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta midnimadeeda qaran, iyadoo adeegsanaysa dhammaan dariiqyada diblomaasiyadeed, siyaasadeed, iyo kuwa sharci ee bannaan” ayaa lagu yiri markale qoraalka Wasaaradda.
Ugu dambeyn, Soomaaliya ayaa ugu baaqday Israa’iil inay dib uga laabato go’aankan, isla markaana ugu baaqday beesha caalamka, oo ay ka mid yihiin Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Midowga Yurub, inay ilaaliyaan sharciga caalamiga ah oo ay ka hortagaan tallaabo kasta oo wiiqaysa midnimada Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

