Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa soo saaray awaamiir cusub oo lagu mamnuucayo gaadiidka wata taarikooyin aan ka diiwaangashaneyn deegaannadooda, gaar ahaan kuwa wata taarikada Puntland, iyadoo la sheegay in tallaabadan ay dhaqan geli doonto inta ka dhiman Bishaan Abriil.
Wasiirka Howlaha Guud, Gaadiidka iyo dib u dhiska Waqooyi Bari, Jaamac Faarax Muuse, ayaa sheegay in gaadiid badan oo ku sugan gobollada maamulkaasi ay wataan taarikooyin kale ama aysan lahayn wax taariko ah, taas oo keentay baahida loo qabo nidaamin iyo sharciyeyn cusub.
Wuxuu wasiirku si gaar ah ugu wargeliyay gaadiidleyda ku sugan magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle in laga bilaabo taariikhdaas aan la oggolaan doonin gaadiid wata taarikooyin aan ahayn kuwa Waqooyi Bari, iyadoo cid kasta oo jebisa amarkan laga qaadi doono tallaabo sharci ah.
“Gaadiidka ku sugan gobollada Waqooyi Bari waxaa in badan oo iyaga ka mid ah wataan Taarikooyin kale oo aan ahayn Taarikada Waqooyi Bari, ayna u badan tahay Taarikada Puntland, qeybo badan oo ka mid ahna malahan. Waxaan u sheegaynaa dadka leh ee wata gaadiidkaas ee ku sugan magaalooyinka Laasacaanood iyo Buuhoodle iyo Gobollada kale ee dowladda Waqooyi Bari in laga bilaabo 24-ka bishaan Abriil 2026 aan la ogolaan doonin gaari Taariko kale wata oo aan ahayn tan waqooyi Bari” ayuu yiri wasiir Jaamac Faarax.
Go’aankan ayaa lagu sheegay mid lagu xakameynayo gaadiidka aan sharciyeysneyn iyo kor u qaadidda amniga, inkastoo la filayo inuu saameyn ku yeesho isu-socodka gaadiidka iyo ganacsiga deegaannada maamulka, maadaama gaadiid badan ay hore u isticmaali jireen taarikooyin kale.
HBN ONLINE TV

