Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay inay si mideysan uga soo horjeedaan in dalka ay ka dhaci waydo doorasho heshiis lagu yahay, iyaga oo muujiyay diidmo la mid ah hannaan doorasho oo la mid ah kii 2022-kii.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xaqiijiyay in mucaaradku gaareen heshiis ku saabsan tallaabo ay qaadi doonaan haddii dowladda ku guuldareysato sida uu ku dooday qabashada doorasho la isku raacsan yahay. Waxa uu sheegay in haddii xal kale la waayo, ay qasab ku noqon doonto inay bilaabaan doorasho barbar socota tan dowladda.
“Waa xalka ugu dambeeya, Haddii aan wayno xal kale oo lagu kala boxo oo doorasho la isku raacsan yahay oo macquula looga heshiiyo dalka, waxaan ku qasbanahay doorasho barbar socota inaan bilowno waa qasab” ayuu yiri Xildh. Cabdiraxmaan.
Sidoo kale, musharrax Cabdulqaadir Cosoble ayaa sheegay in mucaaradka oo ay ku jiraan maamullada Puntland iyo Jubbaland, ay isku raaceen hannaan doorasho oo aan awoodda lagu siinayn dowlad-goboleedyada.
Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli uu 14-kii Abriil 2026 uu dhammaaday sida uu dhigayo dastuurkii 2012-kii muddo-xileedkii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, taas oo mucaaradku ku tilmaameen mid dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed iyo firaaq dastuuri ah.
Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale eedeyn u jeediyay Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku eedeeyay inuu si ula kac ah u abuuray sida ay hadalka u dhigeen xaaladda cakiran, isla markaana shacabka hor dhigay laba doorasho oo midkoodna aan la aqbali karin.
Ugu dambeyn, Golaha ayaa ugu baaqay shacabka iyo beesha caalamka in aysan aqbalin hannaan ay ku tilmaameen “doorasho hal dhinac ah.”
Qorshaha ay mucaaradku sheegeen in ay ku qabanayaan doorasho gaar ah ayaan weli lagu caddeyn goobta iyo waqtiga ay dhici doonto. Dhanka kale, dowladda weli kama aysan hadlin go’aanka mucaaradka, iyadoo khilaafka u dhexeeya labada dhinac uu sababay in dhowr jeer oo hore ay burburaan kulamo kala duwan oo la isugu yimid.
HBN ONLINE TV

