WEBSITE: Ku dhawaad 30 Alshabaab ah oo lagu dilay gobollada Jubbooyinka
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay howlgal iyo duqeyn ka dhan ah Alshabaab, kana dhacay gobollada Jubbooyinka ayaa sheegtay in lagu dilay ku dhawaad 30 xubnood oo ka tirsan kooxda.
War saxaafadeedka Wasaaradda ayaa lagu sheegayin Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa Jubbaland fuliyeen howlgal ballaaran oo ka dhacay 3 deegaan oo ka tirsan Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, gaar ahaan agagaarka degmooyinka Jilib, Xagar iyo Afmadow, iyo 5 tuulo oo ay ka mid yihiin Waraha Qalley, Farshabeel, Jigees, Qaawiley iyo Weelmaarow.
Sidoo kale, Howlgallada dhulka ah ayaa waxaa barbar socday duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen saaxiibbada caalamka, kuwaas oo si weyn u xoojiyay weerarrada lagu beegsanayay maleeshiyaadka Alshabaab ee ku dhuumaaleysanayay deegaannadaasi.
Ciidamada ayaa la sheegay inay dileen 27 xubnood oo ka tirsan Alshabaab, oo ay ku jiraan xubno muhiim u ahaa kooxda, taas oo loo arko sida hadalka loo dhigay jab culus oo la gaarsiiyay, halka gacanta lagu dhigay hub iyo saanad ciidan oo ay ka mid yihiin qoryaha BKM, RPG iyo AK-47, iyo miinooyin, iyadoo la sheegay in howlgaladu ay weli socdaan si loo ciribtiro sida warka loo yiri “haraadiga Alshabaab, loona xaqiijiyo amniga deegaannada Jubbooyinka”.
HBN ONLINE TV

