Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in dalka uu galay “marxalad halis ah” oo si toos ah u taabanaysa amniga, wadajirka iyo dowladnimada, isagoo si kulul u dhaliilay hoggaanka sare ee dowladda dhexe.
War-saxaafadeed uu maanta soo saaray ayuu Farmaajo ku sheegay in hubanti la’aanta ka taagan arrimaha doorashooyinka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ay sabab u tahay “xaaladda cakiran ee dalka”, taas oo uu ku tilmaamay mid u baahan feejignaan deg-deg ah.
Sidoo kale, Farmaajo ayaa xusay in muddo-xileedka Baarlamaanka Federaalka uu si rasmi ah u dhammaaday maanta oo ah 14-ka Abriil 2026, sida uu dhigayo Dastuurka Kumeel gaarka ah ee 2012, isagoo ka digay in maqnaanshaha Baarlamaan cusub uu horseedi karo sida uu hadalka u dhigay “khatar sharci iyo mid dowladnimo” oo ay ka mid yihiin “jahwareer sharci iyo ku tagri-fal awoodeed”.
Dhanka kale, wuxuu tilmaamay in ay ka harsan tahay muddo 31 maalmood oo keliya waqtiga dastuuriga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo uu sheegay inay sii xoojinayso xaaladda xasaasiga ah ee dalka ku jiro.
Ugu dambeyn, madaxweynihii hore ee dalka Farmaajo ayaa ku baaqay in si deg-deg ah loo gaaro heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, si loo qabto doorasho hufan oo lagu kalsoonaan karo, loogana hortago firaaq dastuuri ah oo khatar gelin kara xasilloonida iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.
Inkastoo mucaaradka dawlada Soomaaliya ku doodayaan in muddo xileedkii hay’adaha dastuurig ah ee dalka ay dhamanayaan bishan & tan ku xigta haddana dhowaan mar uu hadal jeediyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) wuxuu sheegay in hay’addaha dawlada waqtigoodu uu ku eg yahay sanadka 2027, isagoo daliilshanaya dastuurka cusub ee ay dhowaan ansixiyeen.
HBN ONLINE TV

