Mucaraadka DFS oo ku eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ciidamada qaran “ku geystay tacadiyo”

Mucaaradka dowladda Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS qaar ka mid ah ayaa si kulul u dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku eedeeyay inuu ku kacay sida ay hadalka u dhigeen falal la xiriira kala qeybin iyo siyaasadeyn lagu sameeyay ciidamada qaranka.

Eedeymahan ayaa si gaar ah uga yimid Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kuwaas oo labaduba soo saaray hadallo isku dhow oo ay ku muujinayaan walaacooda ku aaddan sida loo maamulayo sida ay qabaan ciidamada qalabka sida.

Shariif Sheekh ayaa sheegay in hoggaanka dalka uu u muuqdo mid kala qeybinaya ciidanka qaranka, isagoo ku eedeeyay in arrintaasi ay ka dambeyso dano siyaasadeed oo gaar ah. Wuxuu sidoo kale uga digay saraakiisha ciidamada inay ka fogaadaan qaadashada amarro wax u dhimi kara dhexdhexaadnimada iyo kalsoonida ay shacabka ku qabaan.

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isna si adag u dhaliilay Madaxweynaha, isagoo ku eedeeyay inuu ciidanka u adeegsaday dano gaar ah, isla markaana uu ku kala qeybiyay sida uu hadalka yiri “qaab qabiil”.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ciidankii qaranka dantiisa ayuu u adeegsaday, deegganno ayuu ku duulay, qabiil ayuuna u kalaqaybiyey. Eex, garab iyo musuq ayuu ku kalasarraysiiyey. Haddii aan maanta si cad u diidin shakhsiyadaynta iyo siyaasadaynta ciidanka, hadde berri ma diidi karno cawaaqibxumadeeda.” Xildhibaan Cabdiraxmaan.

Ilaa iyo hadda, DFS si rasmi ah ugama aysan jawaabin eedeymahan culus ee kasoo yeeray mucaaradka, xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo sii xoogeysaneysa.

Arrintan ayaa imaneysa iyadoo dalka uu wajahayo caqabado khilaaf siyaasadeed oo aan xal loo helin, taasoo ka dhigeysa doorka ciidamada qaranka mid xasaasi ah oo u baahan in si miisaaman loo maareeyo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed