Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay guddiyo iyo masuuliyiin cusub, kadib markii uu dhaliilo xooggan kala kulmay Mucaaradka

Madaxweynaha Somaliand Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa soo saaray wareegtooyin uu ku magacaabay guddiyo iyo masuuliyiin cusub oo ka mid noqonaya hay’adaha kala duwan ee xukuumaddiisa, taasi oo la sheegay inay qayb ka tahay dib-u-habayn la sameynayo, isla markaana lagu xoojinayo fulinta qorshayaasha muhiimka ah.

Guddiyada la magacaabay waxaa ka mid ah kuwa ka shaqaynaya ilaalinta tamarta, maamulka dekeddaha iyo aagga cashuuraha ka caaggan, iyo sidoo kale guddida qabanqaabada munaasabadda 18-ka May.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu magacaabay agaasimaha diiwaangelinta ururrada iyo axsaabta siyaasadda iyo ku xigeenka Hanti-dhawrka Guud ee Somaliland
Sidoo kale, go’aannadan ayaa ku soo beegmaya xilli Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye uu dhaliil u jeediyey xukuumadda, isagoo ku eedeeyey wax-qabad la’aan la xiriirta xakamaynta sicir-bararka iyo kor u kaca qiimaha shidaalka.

Kulmiye ayaa sidoo kale sheegay in xaaladda dhaqaale ee dalka ay saameyn ku yeesheen arrimo caalami ah, gaar ahaan dagaallada ka socda Bariga Dhexe, halka ay xuseen in aan weli la arkin tallaabooyin muuqda oo xukuumaddu kaga jawaabeyso xaaladdaas.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed