Saddex maalmood oo keliya ayaa ka harsan bilowga howlgalka taariikhiga ah ee qodista shidaalka badda ee Soomaaliya, kaas oo ay iska kaashanayaan Soomaaliya iyo Turkiya. Tani waxay noqonaysaa markii ugu horreysay ee dalka uu si rasmi ah u bilaabo qodista shidaal badeed, iyadoo la filayo in ay door weyn ka qaadato kobaca dhaqaalaha ee Soomaaliya.
Markabka qodista shidaalka badda-dheer ee lagu magacaabo Çağrı Bey, oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn adduunka, ayaa la filayaa inuu Jimcaha ku soo xirmo Dekedda Muqdisho. Waxaa la qorsheeyay in munaasabad soo dhaweyn ah loo sameeyo, taas oo ay ka qayb geli doonaan madaxda ugu sarraysa dowladda.
Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo shaaciyey waqtiga rasmiga ah ee uu markabku imaanayo ayaa xusay muhiimadda ay arrintani u leedahay sahminta iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka, gaar ahaan shidaalka ku jira badda Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa rajo weyn ka muujisay natiijada howlahan, iyagoo tilmaamay in dadaalladan ay keeni karaan faa’iido iyo dhaqaale u soo hoyda shacabka Soomaaliyeed. Imaanshaha markabkan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya u qaadaysa horumarinta khayraadkeeda iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah.
HBN ONLINE TV

