Madaxweynaha Puntland oo ka digay “qorshe maamul dumin ah” oo socda

Madaxweyne Said Abdullahi Deni ayaa muujiyay walaac xooggan ka muujiyay waxa uu ku tilmaamay “dadaallo lagu wiiqayo” nidaamka federaalka dalka ayaa ugu baaqay maamullada inay isu diyaariyaan sida uu yiri difaacooda.

Deni oo hadal ka jeediyay kulan ka dhacay magalaada Qardho ee gobolka Karkaar ayaa sheegay in si cad loo wado wuxuu ugu yeeray “qorsheyaal lagu burburinayo” nidaamka federaalka iyo dastuurka dalka.

“Bareer baa socda oo ku saabsan in lala dagaallamo nidaamka federaalka, dastuurka lagu tunto, bareer baa socda in la yiraahdo nidaamyadan jira hala dumiyo,” ayuu yiri Deni.
Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa ugu baaqay maamullada kale ee dalka inay muujiyaan feejignaan iyo diyaar-garow, si ay u difaacaan nidaamka federaalka iyo jiritaanka dowlad goboleedyada sida uu ku dooday.

Hadalladan ayaa imanaya xilli ay taagan yihiin dooddo siyaasadeed oo la xiriira diidmada Mucaaradka ee wax ka bedelka Dastuurka iyo habka loo wajihi doono doorashada soo socota, iyada oo diidan wax muddo kororsi ah ka dhex dhaco hay’addaha dowladda, aysanna dhaafin wakhtiga sharciyan u leeyihiin gabaabsi ku dhow.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed