Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya XFS ayaa maanta kulan aan caadi ahayn oo ay ku yeeshay magaalada Muqdisho xilkii uga qaaday Taliyihii Ciidanka Asluubta, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, iyagoo isla kulankaas ku magacaabay taliye cusub.
Qoraal ka soo baxay kulanka ayaa lagu sheegay in la ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, iyadoo xilka Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed loo magacaabay Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.
Taliyaha cusub ayaa horay usoo noqday wasiir iyo sidoo kale Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, waxaana uu xilka kala wareegayaa Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo lagu yaqaanay (Shub).
Isbeddelkan ayaa imanaya xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo la sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay isbeddello la filayay maalmihii u dambeeyay.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in dowladda federaalka ay cadaadis saaraysay maamul-goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo xilal laga qaaday mas’uuliyiin loo arkayay inay ku dhow yihiin madaxda maamulkaas, gaar ahaan gobollada Baay iyo Bakool.
Dhanka kale, dowladda dhexe ayaa dhawaan maamul cusub u magacowday degmada Waajid ee gobolka Bakool, taas oo loo arko inay la jaanqaadayso qorshayaasha dowladda.
Xaaladda Koonfur Galbeed ayaa haatan u muuqata mid cakiran, iyadoo khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka uu sii xoogeysanayo, isla markaana ay jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo laga dareemayo deegaannada maamulkaas.
Si kastaba, lama oga halka uu ku dambeyn doono khilaafkan iyo sida ay u saameyn doonto xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka.
HBN ONLINE TV

