Somaliland ayaa sheegtay in dalal kooban sida ay hadalka ay u dhigtay ay si adag uga soo horjeesteen aqoonsiga ay ka heshay Israa’iil, iyadoo si gaar ah u xustay Soomaaliya, Turkiga iyo Jabuuti, kuwaas oo ay ku eedeysay in dano siyaasadeed awgood uga soo horjeedaan aqoonsiga.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo la hadlay BBC Somali, ayaa sheegay in inta badan beesha caalamku aysan si toos ah uga hor iman aqoonsiga, balse mucaaradadda ugu weyn ay ka timid dowlado gaar ah oo dano gaar ah leh.
Wasiirku wuxuu si gaar ah u dhaliilay Turkiga, isagoo sheegay inay la yaab ku noqotay in Ankara ay ka hor timaaddo aqoonsiga, maadaama Turkigu ahaa sida uu ku andacooday dalkii Islaamka ee ugu horreeyay ee aqoonsada Israa’iil, isla markaana uu muddo dheer xiriir diblumaasiyadeed la lahaa Tel Aviv.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in heshiisyada u dhexeeya Turkiga iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sabab u yihiin mowqifka Ankara, isagoo sheegay in Turkigu u arko arrintan mid khatar ku ah danihiisa Soomaaliya, balse uusan diidanayn sida uu ku dooday xiriirka Israa’iil lafteeda.
Dhanka kale, aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil ayaa la kulmay diidmo ballaaran oo ka timid Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyo sidoo kale dalal ay ka mid yihiin Sucuudiga, Masar iyo Qatar, halka Dowladda Soomaaliya ay waddo olole diblumaasiyadeed oo ay ku doonayso in Israa’iil dib uga laabato xiriirka cusub.
HBN ONLINE TV

