Waxaa galinkii dambe ee maanta magaalada Muqdisho kusoo gabagaboobmay kulan u dhexeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golaha Mustaqbalka oo la filayo in wada-hadallo ay dhawaan uga bilowdaan gudaha caasimada.
Kulankan ayaa ahaa mid hordhac ah oo dhinacyadu isaga xog wareysteen xaaladda guud, si loo muujiyo niyad wanaag, si uu u guuleysto shirkooda.
Sidoo kale, kulanka oo ay joogeen madaxda Maamullada Puntland iyo Jubbaland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo ay wehliyaan xubnahooda kale ee garabka Muqdisho ayaa sheegay in caasimadda wadahal kula yeesheen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sida ay faafiyeen Xafiisyada warfaafinta Puntland iyo Jubbaland.
“Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ka qaybgalay kulan soo dhoweyn ah oo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu u sameeyay xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.” ayey tiri madaxtooyada Jubbland, halka Puntland ay iyaduna si la mid ah lagu yiri “Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qaybgalay kulan soo dhoweyn ah oo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya uu u sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.”
Ajendaha shirka guud ayaa noqon doona xiisadda siyaasadeed ee taagan, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah.
“Kulanka qadada ee Madaxweynuhu ku martiqaaday Golaha Mustaqbalka ayaa hordhac u ah shirka Wadatashiga Qaran ee ay fidisay Xukuumadda, si looga wada hadlo xaalada guud ee dalka sida Doorashooyinka, Midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed, abaaraha iyo la dagaalanka Khawaarijta.” ayaa lagu yiri qoraalka ay Madaxtooyada Soomaaliya ka sheegtay kulanka.
Dhanka kale, kulanka waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre & Wasiirro ka tirsan Xukuumadda.
Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa mid ka mid ah caqabadihii ugu adkaa, maadaama ay dhinacyadu isku fahmi la’yihiin nooca doorashada ee dalka laga qabanayo iyo arrinta Dastuurka oo muddo dheer soo taagneyd.
HBN ONLINE TV

