Soomaaliya oo Tanzania la saxiixatay heshiis iskaashi oo dhanka socdaalka ah

Dowladdaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa maanta shaaciyey saxiixa heshiis iskaashi oo dhanka socdaalka ah si loo fududeeyo isu socodka iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Warkan oo lagu daabacay bogga Diblumaasiyadda ee wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Tanzania, Patrobas Paschal Katambi ay heshiiska saxiixeen, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen madaxda socdaalka labada dal, Mustafa Dhuxulow iyo Dr. Anna P. Makakala iyo sidoo kale safiirka Soomaaliya ee Tanzania, Amb. Ilyaas Cali Xasan.

Sida ku cad Is-afgaradka, dadka sita baasaboorrada diblomaasiga ah iyo kuwa rasmiga ah waxay ka faa’iidaysan doonaan qabanqaabada gelitaanka fudud, halka kuwa haysta baasaboorka caadiga ah ay ku heli doonaan fiisaha 24 saac gudahood, taas oo gacan ka geysaneysa taageerada dhaqdhaqaaqa fudud ee muwaadiniinta iyo ganacsatada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed