Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Turkiga ayaa shaacisay in saddex markab oo ka tirsan ciidanka badda Turkiga loo diray biyaha ka baxsan dhulkeeda ee xeebaha Soomaaliya, si ay u taageeraan iskaashiga milatari, u gudbiyaan gargaar, isla markaana u caawiyaan howlaha qodista tamarta ee badda.
Bayaan ay wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in maraakiibta TCG Sancaktar, TCG Gokova, iyo TCG Bafra ay howlgallo ka wadaan Gacanka Cadmeed, xeebaha Soomaaliya, iyo Badda Carabta. Ujeeddada dirista maraakiibtan ayaa ah bixinta taageero saadka ah oo loo fidinayo Taliska howlgalka Wadajirka Turkiga iyo Soomaaliya, iyo fududeynta gaarsiinta deeqaha Turkiga iyo kaalmada milatari ee shisheeye ee Soomaaliya, iyadoo loo marayo badda.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay sheegtay in joogitaanka maraakiibta badda uu taageeri doono howlaha qodista shidaalka ee ay qorshaynayso Hay’adda Batroolka Badda ee Turkiga (TPAO). Howlgalladan waxaa la filayaa in ay ciwaanka markabka qodista ee Cagri Bey, kaas oo ka shaqayn doona biyaha badda ee hoos yimaada xuduudaha badeed ee Soomaaliya muddada soo socota.
Turkigu waxa uu sanadihii u dambeeyay si weyn u xoojiyay iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee uu la leeyahay Soomaaliya, oo ay ku jiraan barnaamijyada tababarka milatariga iyo heshiisyo la xiriira sahminta tamarta iyo taageerada amniga.
HBN ONLINE TV

