Dowladda Turkiga iyo shirkad tamareed oo Mareykan ah ayaa wada-hadallo ku jira, kuwaas oo ku saabsan iskaashi lagu sahaminayo kheyraadka shidaalka iyo gaaska, oo ay ku jirto Soomaaliya. Wadahadalladan ayaa muujinaya dadaalka Turkiga ee ku aaddan xoojinta wax-soo-saarka tamarta iyo ballaarinta doorka shirkaddiisa shidaalka ee caalamiga ah.
Shirkadda tamarta ee dowladda Turkiga, Turkish Petroleum Corporation (TPAO), ayaa la sheegay inay wadahadal kula jirto shirkadda Mareykanka ee Chevron Corporation, si ay si wadajir ah ugu sahamiyaan shidaalka iyo gaaska. Warkan waxaa shaacisay Bloomberg, iyadoo xustay in wadahadalladu yihiin kuwo aan weli si rasmi ah loo shaacin.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in diiradda wada-hadalladu saaran tahay daraasadaha dhulka iyo howlaha qodista ee gobollada istiraatiijiga ah ee xeebaha, oo ay ku jirto Soomaaliya. Haddii heshiiskan la dhammeeyo, Chevron waxay ku biiri doontaa liiska shirkadaha tamarta ee Mareykanka ee hore ula shaqeeyay Turkiga, kaddib heshiiskii bishii Janaayo ay TPAO la gashay Exxon Mobil Corporation ee sahaminta wadajirka ah ee Badda Madow iyo badda Mediterranean-ka.
TPAO ayaa horey hawlo sahamin iyo qodis uga wadday dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, Ciraaq, Ruushka iyo Badda Madow, halka Chevron ay khibrad ballaaran ka heshay bariga badda Mediterranean-ka, gaar ahaan xeebaha Isra’iil iyo Qubrus. Khibraddan ayaa la rumeysan yahay inay muhiim u noqon karto mashaariicda ku yaalla meelaha juqraafi ahaan adag.
Wadahadalladan ayaa ku soo beegmaya xilli Turkigu uu xoojinayo istiraatiijiyad lagu yareynayo ku-tiirsanaanta shidaalka iyo gaaska dibadda laga keeno, iyadoo TPAO ay ballaarinayso maraakiibteeda sahaminta biyaha qotada dheer, isla markaana qorsheyneysa inay soo ururiso ilaa 4 bilyan oo dollar si ay u maalgeliso mashaariic tamareed oo waaweyn.
HBN ONLINE TV

