Maxay tahay billada Madaxweyne Xasan Sheekh gudoonsiiyey xiddigta feerka caalamiga ah ee Soomaaliya?

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay xiddigta Soomaaliya ee feerka caalami Ramla Cali oo dalka ku matasha ciyaaraha feerka.

Waxa uu Madaxweynuhu ku bogaadiyey Ramla Cali doorka iyo dedaalka ay u hurto magaca Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay astaanta dhiirrigelin iyo midnimo ay ku faanayaan shacabka dalka.

Intii uu socday kulanka, Madaxweynaha ayaa guddoonsiiyey Ramla shahaado sharaf, waxaana uu uga mahadceliyey dadaalkeeda iyo sumcadda ay dalka u soo hoysay, iyo kaalinta ay ku leedahay dhiirrigelinta ciyaaraha Soomaaliyeed iyo jiilka cusub ee kasoo baxaya dalka.

Ramla oo si weyn caalamka looga yaqaan dhanka Feerka ayaa haysata bilada iyo guulo muhiim ah oo magaca Soomaaliya ku qaaday.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed