Somaliland oo war ka soo saartay geerida wiil & gabar meydkooda dhawaan gaari laga helay

Maamulka Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargaysa ayaa soo bandhigay natiijada baarista meydadka marxumiin dhawaan laga helay guddaha magaalada, kuwaa oo la garan waayay sababta ka dambeysay dhimashadooda.

Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Hargeysa Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan oo faahfaahin ka bixiyey baaritaan dhowrkii cisho ee la soo dhaafay ay wadeen dhaqaatiirta Cisbitaalka ayaa sheegay in labadda marxuum oo lagu kala magacaabo Huda iyo Xamse ay u dhinteen naqaska oo ku xirmay ka dib markii ay daqiiqado jiidayeen gaaska gaariga oo si qaldan guddaha gaariga usoo galay.

Agaasimaha ayaa carrabka ku dhuftay in markii ay marxuumiinta jirkooda ku sameyeen baaritaan ay waayeen wax dhaawaca ama sun jirkooda laga helay, ay intaasi ka dib soo ogaadeen in gaariga ay saarnayeen uu sii daynayay gaas qatar ku ah nafta qofka.

Waxa uu tilmaamay inay muddo daqiiqado ah oo gaaskaas ay neef ahaan u qadanayeen uu sababay in jirkooda uu galo, Ka dibna ay neeftu ku dhagtay sidaasna labadda marxuum ay ku nafwaayeen.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed