Xubnaha Mucaaradka Itoobiya qeybtood oo ka hadlay arrimihii la isku hayay ee heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland ayaa sheegay in looga adkaaday Dagaalka Siyaasada ee Arimaha Dibedda, kaasi oo lagu macneeyey mid qiyaano ahaa.
Jawar Maxamed oo nin aad u mucaarada Xukuumadda talada heysa ee Itoobiya ayaa ku tilmaamay mid “si shil ah ku dhacay,” heshiiskii ay la gashay Xukuumadda Addis Ababa Somaliland.
“Heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland waxaa la galay, iyadoo aanay jirin wax qorshe ah, nidaam cad majirin shil ayaan ku Tilmaami karaa” ayuu yiri Jawar Maxamed.
Waxaa uu ku eedeyey Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed in diblomaasiyaddiisa liidata sida hadalka uu u dhigay ay ku qasabtay inuu faraha ka laabto balanqaadkii ahaa marin badeed in uu dalkiisu helo, isgaa taasi bedelkeeda Ankara ku saxiixay in uu ka laabtay.
“Diblomaasiyadda liidata ee Raiisal wasaare Abiy Axmed waxay na gelisay xaalad adag, taas oo Abiy ku khasabtay inuu heshiis ku saxiixo Ankara isagoo gacmaha ka laabanaya wuxuu horay u balan qaaday ee ahayd marin maded” ayuu yiri Jawar.
Sida oo kale waxaa uu shaaciyey in kalsoonidii dowladda Itoobiya Caalamku Qabay ay aad u hoosayso, halka Khilaafka Somaaliya uu soo bandhigay liidnimada Arimaha dibada, loogana adkaan doono wax walba oo degdeg ku bilowda.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay dhaleeceynada Itoobiya kala kulantay wadamada caalamka oo ay jiraan dalalka ugu tunka weyn ee Shiinaha iyo Mareykanka.
HBN ONLINE TV