Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in labada bilood ee ugu horreeya sanadka soo socda uu booqan doono dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya. Arrintan ayaa ku soo beegantay hadal uu Axaddii shalay ka jeediyay madasha dhalinyarada ee gobolka Erzurum ee bariga dalkaasi, taasi oo lagaga jawaabayay su’aal ahayd doorkii Turkiga ee dib u heshiisiintii Itoobiya iyo Soomaaliya.
Madaxweyne Erdogan ayaa tilmaamay in dhibaatada Soomaaliya iyo Itoobiya ay soo jirtay sanado badan. Dhulka Itoobiya ayuu sheegay in uu laba jibaar ka weyn yahay dhulka Soomaaliya, balse bad la’aan ay haysato.
Erdogaan ayaa sheegay in dal baaxadiisa intaasi la’eg oo aan helin badda ay aad uga naxeen madaxda Itoobiya. Waxa uu carabka ku adkeeyay in Itoobiya iyo Soomaaliya aysan awoodin in ay xaliyaan dhibaatadan, inkasta oo dalal badan ay dhexdhexaadinayeen marar hore.
Erdogan ayaa sheegay in Turkiga uu wadahadal la yeeshay labada dhinac, isaga oo ku saleynaya xiriirka dhow ee uu la leeyahay. Waxa uu soo hadal qaaday kulankii uu fiidnimadii Arbacada ee la soo dhaafay magaalada Ankara ee caasimadda dalkaaasi uu kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Madaxweynaha Turkiga ayaa ku macneeyay in markii uu soo idlaaday heshiiska labada dhinac ay wada saxiixdeen uu qaatay muddo 7 saacadood ah, si caalamka loogu soo bandhigo.
“Waxaan u sheegay in aan booqan doono dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya labada bilood ee ugu horreeya sanadka soo socda, haddii Alle idmo, tallaabadan aan qaadnayna waxaan gaarsiin doonnaa caalamka oo dhan,” ayuu yiri Erdogan.
” Waxaan ugu bishaareynay Afrika iyo caalamka oo dhan mustaqbal qurux badan.” ayuu sheegay Erdogan, isaga oo hadalkiisa ku soo gabagabeeyay “Dunida oo dhami waxay nala wadaagtay dareenka aan ku faano tallaabadan aan qaadnay iyo natiijadii aan gaarnay, marka aad daacad tahay, si daacadnimo leh, wax walba way rumoobaan”.
Bishaan Diseembar 11-keedii, Turkigu wuxuu qaaday tallaabadii ugu dambeysay ee geeddi-socodka nabadda Geeska Afrika. Labada dal ayaa waxay ku heshiiyeen inay si dhow u wada shaqeeyaan si loo gaaro natiijooyin ku saabsan ficillada ganacsiga ee labada dhinacba faa’iido u leh, iyada oo loo marayo heshiisyo laba geesood ah, oo ay ku jiraan qandaraasyo.
Iyadoo la raacayo ujeeddooyinkaas iyo fududaynta Turkiga, “dhinacyadu waxay go’aansadeen inay bilaabaan wada-xaajoodyo dhammaadka bisha Febraayo ee 2025 ugu dambeyntii.
Xiriirka labada dal ee jaarka ah ayaa xumaaday tan iyo markii ay Itoobiya heshiis la gashay Somaliland horaantii bishii Janaayo 2024, kaas oo u fasaxay Addis Ababa inay isticmaasho xeebaha Soomaaliya ee gobolka Gacanka Cadmeed arrimo ciidan.
Muqdisho ayaa diiday heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland, waxayna ku tilmaantay “mid sharci darro ah, khatar ku ah deris-wanaagga iyo ku xad-gudbida qaranimadeeda”, iyada oo dowladda Itoobiya ay difaacday heshiiskaas oo ay ku tilmaantay “mid aan saameynay labada dhan “.
HBN ONLINE TV