Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo jeediyey in ganacsatada Soomaaliyeed is hubeeyaan

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo Muqdisho furay Shirweyanaha la dagaallanka Maalgalinta waxa loogu yeero Argagixisada ayaa ganacsata Soomaaliyeed u soo jeediyey in hubka ay qaataana isaga celiyaan kooxaha aan dowladiga aheyn.

Lacagaha ay siiyaan ganacsata Soomaaliyeed kooxaha dowladda ka soo horjeeda ayuu tilmaamay Ra’iisal Wasaare Xamsa in ay yihiin qalad weyn oo ganacsatu galeen, isaga oo u soo jeediyey in dhaqaalaha kaga baxa halkaasi ay hub ku gataan dowladdu Soomaaliya u sharciyeyn doonto.

Waxaa uu tilmaamay in hubka sharciga ah ganacsatada haddii ay gataan uu u saamixi doono inay isaga caabiyaan sida hadalka u dhigay kooxaha dhaqalaaha waydiista.
Ra’iisal Wasaaraha XFS oo si adag uga hadlay arimaha dhaqaalaha kooxaha gacantooda gala ee dadka rayidka ah lagu qarxiyo ayaa hoosta ka xariiqay intaasi ay tahay Ihaano ku qasabtay in dadku ay u huggaansamaan.

“Ihaanadaas intaas la eg iyo Dulinimada intaas la’eg iyo Dadkeenii inay sidaas u ihaaneestaan Ganacsatadeena inay ihaaneestaan, dadkeenii micnaha lahaa inay ihaaneestaan waa waxa keentay inay dadkii oo dhan u hogaan samaaan” ayuu yiri RW Xamsa.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladdu ay bartilmaameedsan doonto dadka la shaqeeya Alshabaab iyo xubnaha Maalgeliya kooxda.
Shirka ayaa Waxaa lagu carraababay in ciddii lagu helo sida hadalka loo dhigay danbiga ah maalgalinta kooxda Alshabaab la horgeyn doonaa Caddaaladda.

DFS ayaa dhaamadka Todobaadkii hore sheegtay in qasnadda dowladda lagu wareejiyey in ka badan hal Milyan oo maalgalin ah kooxaha Argagixisada lagu sheego, halka ay wado baaris kale oo ku aadan arimaha maalgalinta ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed