Jubbaland oo Itoobiya kala hadashay xaaladdaha Amni ee gobolka Gedo

Masuuliyiin ka socday mamaulka gobolka Gedo Jubbaland oo socdaal ku tagay dalka Itoobiya, kulamane la soo qaatay madax iyo saraakiil ciidan ayaa la sheegay in looga hadlay xiriirka labada dhinac iyo sugidda amniga.

Gudoomiyaha Doolow ee gobolka Gedo Maxamed Xusseen Cabdi Lafeey ayaa maanta dib ugu soo laabtay degmada, xili maalmahii la soo dhafay uu safar lagu macneeyey mid shaqo uu ugu maqnaa dalka itoobiya.

Sida oo kale Gudoomiyaha oo maamulka ugu warbixiyay safarka uu ku tagay dalka dibadiisa ayaa sheegay in uu halkaasi kula kulmay madaxda iyo saraakiisha Itoobiya oo uu kala hadlayay iskaashiga sida hadalka loo dhigay labada dhinac ee nabadgalyada iyo hawlaha daris wanaaga ee Jubbaland.

Waxaa uu sheegay in uu saraakiisha Itoobiya ee uu la kulmay uu kala hadlay ilaalinta Amniga ee xuduudaha, maadama meelo badan oo gobalka Gedo ka mid ah ay joogaan Ciidamadooda oo qeyb ka ah hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS, inkasta oo Soomaaliya ka saartay midka soo socda.

Dowladda Soomaaliya kama jawaabin safarka sarkaalkan muhiimka ah ee Itoobiya kala hadlay Amniga dalka iyo sida wax laga yeeli doono.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed