Jubaland ayaa si rasmi ah ugu wargelisay dhammaan hay’adaha Qaramada Midoobay iyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) in doorashooyin xasaasiga ah ee hadda ka socdaan Kismaayo ay xaqiijiyaan hufnaanta iyo geeddi-socodkan dimoqraadiyadeed, iyada oo aan loo isticmaalin arrimo siyaasadeed.
Jubaland oo sheegtay in ay walaac xooggan ka muujineyso tallaabooyinka uu qaadayo sida hadalka ay u dhigtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa carrabbowday in ay u muuqdaan kuwo looga faa’ideysanayo diyaaradaha UN-ka iyo ATMIS-ka, si loo horumariyo ujeeddooyin siyaasadeed oo dhinac ah.
“Falalka noocaan ah waxay wax u dhimayaan mabaadi’da dhexdhexaadnimada iyo eex la’aanta kuwaas oo lama huraan u ah muddadan xasaasiga ah” ayaa lagu yiri bayaanka.
Sida oo kale, Jubaland ayaa tilmaantay si aan gabasho lahayn ay u cambaaraynayso talaabooyinkan aan waafaqsanayn dastuurka iyo xasiloonida ee ay waddo sida warka loo dhigay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.
“Dhaqdhaqaaqyadan sharci darrada ah ayaa khatar ku ah amniga iyo xasiloonida dowlad goboleedka Jubaland, waxayna muujinayaan sida dhibka leh ee looga baxay mabaadi’da dastuuriga ah ee lagu hagayo nidaamka federaalka ee Soomaaliya” ayaa la sii raaciyeyey.
Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka talaabooyinka ay qaadayaan ayaa Jubbaland sheegtay in ay abuurayaan sida qabtao “xiisado aan loo baahnayn oo ku wajahan ajandayaasha siyaasadeed”.
Maamulka ayaa ugu baaqay dhammaan saaxiibada caalamiga ah iyo daneeyayaasha in ay u hoggaansamaan qaab-dhismeedka sharci qaranka ayna ixtiraamaan doorarka loo aas aasay, kaasi oo lagama maarmaan u ah xaqiijinta nabadda, xasilloonida, iyo iskaashiga wax ku oolka ah ee gudaha Jubaland iyo nidaamka federaalka ee ballaaran.
HBN ONLINE TV