Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay in ka badan 30 kalena waa ay ku dhaawacmeen iska horimaadyo qabiil oo ka dhacay gobolka Waqooyi Galbeed ee Khyber Pakhtunkhwa ee Pakistan, sida uu sheegay sarkaal maxalli ah Sabtidii.
Iska horimaadyada oo ka dhacay degmada Kurram, oo ku dhaw xadka Afghanistan, ayaa qarxay habeenkii Jimcaha kaddib weerar lagu qaaday gaadiid rakaab ah.
“Rasaas culus oo u dhaxaysa laba qabiil tan iyo xalay socota. Ilaa 15 qof ayaa dhinacyada ku dhintay, halka in ka badan 30 qofna dhaawacmeen,” ayuu Wazir Ali, oo ah sarkaal ka tirsan maamulka maxalliga ah, oo la hadlay wakaaladda wararka ee Anadolu isagoo taleefan ku hadlayay.
Si looga jawaabo rabshadaha sii kordhaya, maamulayaasha deegaanka ayaa soo rogay bandow, hakiyay adeegyada taleefannada gacanta, isla markaana xiray dugsiyada iyo ganacsiyada ku yaal goobaha fogfog ee degmada Kurram.
Kuxigeenka Guddoomiyaha Javidullah Mehsud ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu qabto shir qabiil, si loo dhex-dhexaadiyo oo loo yareeyo rabshadaha sii socda.
Warqabadka HBN Online TV