Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan suuragal aheyn in Xildhibaan uu bulashada u sheego, war marin habaabin ah oo dilaaaya sumcadda dowladda iyo dalka, iyada oo taasi bedelkeeda sheegtay in ay ka jawaabi doonto.
Wasiirka arrimaha dibbada Dowladda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in shaqsiyaad qaar ay ku soo qaataan sida hadalka uu u dhigay magac dilka iyo rabashadeynta dowladda Soomaaliya, taasi oo tilmaamay in ay dowlado kale lacago kaga soo qaataan ama lagu soo siiyo, si ay u hor istaagaan horumarka dowladnimada ee socda.
Fiqi ayaa shaaciyey in ay haayaan faylal rag masuuliyiin ah oo lacag lagu soo siiyo in ay magac dil ku sameeyaan dowladda Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in ay banaanka keeni doonaan, haddii ay ka xishoon waayaan waxa ay sameynayaan.
“Waxaan ognahay rag masuuliyiin ah oo dowlado shisheeya lacag uga soo qaatay in ay magac dilaan dalkaan, oo aan hayno caddeymahooda iyo faylalkooda, haddii ay ka tanasuli waayaan banaankan keeni doonaa” ayuu yiri, Wasiirka Fiqi.
Dowlada Soomaaliya ayaa muddo sanad iyo bilooyin ah u harsan yihiin ayaa wajaheysa cadaadisyo kaga imaanaya dhanka mucaaradka, kuwaa oo ku dhaliilaya sida hadalkooda ay u dhigayeen ku tagri-fal awoodeed, musuq maasuq iyo eex, inkasta oo aanay ka jawaabin dowladdu eedaasi.
HBN ONLINE TV