Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa soo saartay war qoraal ah oo ay ku sheegeyso warbixinta howlgaladii ugu dambeeyay ee ay ka fulisay qeybo ka mid ah deegaanada gobollada Dalka.
Waxa ay sheegtay in howlgal ay xalay fuliyeen Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA lagu dilay xubno ka tirsanaa kooxda Alshabaab, kuwaa oo kor u dhaafaya tira ahaan 23 qof, isla markaana khasaare kale loo geystay.
Howlgalkan lagu dilay xubnaha Alshabaab ka tirsanaa ayey hay’addu ku sheegtay inuu ka dhacay deegaanka Dharaarweyn oo hoos taga Magalaada Galcad ee ka tirsan gobolka Galgaduud.
” In ka badan 23 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal ay Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA xalay ka sameeyeen deegaanka Dharaarweyn ee hoostaga magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda NISA.
Sida oo kale waxay sheegtay hay’addu in howlgalku ahaa mid ballaaran, kaas oo gabi ahaanba lagu gubay ilaa saddex gaari oo uu ka mid ahaa nuuca loo yaqaano Cabdi Bile oo ay kooxda ku wateen sida hadalka loo dhigay hub iyo rasaas.
“Howlgalka oo ahaa mid ballaaran ayaa sidoo kale waxaa lagu gubay ilaa saddex gaari oo mid ka mid ah uu ahaa nuuca loo yaqaano Cabdi Bile oo Khawaarijtu ku wateen hub iyo rasaas” ayaa lagu yiri warka NISA.
Ugu dambeyntiina waxey sheegtay hay’addu in Ciidanka Qaranku ku daba jiro firxadka xubnaha kooxda Alshabaab, kuwaa oo u badan dhaawac isla markaana kusii jeeda deegaanka Cowsweyne iyagoo ka baxsanaya howlgalada ay wadaan Ciidamada iyo dadka deegaanka oo is kaashanaya.
HBN ONLINE TV