Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyey guddiyada KMG ah ee ka shaqeyn doona doorashooyinka dalka

Kulankii wadajirka ahaa ee Baarlamaanka Dalka oo maanta lagu ansixiyey Hindise sharciyeed uu ku shaqeynayo Guddiga kumeel gaarka ah ee u xilsaaran diyaarinta xeerarka Doorashooyinka, Ururrada iyo Xisbiyada.

Kulanka oo ay soo xaadireen 170 Mudane ayaa ogolaatay in 15-ka xubnood ee loo xil saaray qaabeynta iyo falanqeynta xeer hoosaadka doorashooyinka iyo ururada siyaasadda ee dalka.

Ma jirin Xildhibaan ama Senatar diiday ama ka aamusay sida uu sheegay shir guddoonka kulankii maanta oo natiijada ku dhawaaqay markii la tiriyay codeyntii gacan taagga aheyd ee arrintaan lagu ansixiyay xubnahaan.

Guddiga ka shaqeynaya xeerarka Doorashooyinka, Ururrada & Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya oo ku soo baxay Liis si wadajir ah u soo saareen Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe iyo Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa iska dhex doortay Guddoomiye iyo ku xigeenkiisa.

Waxaa dowladdu xubnahaan ku meelgaar ah u qaabilsanaa doonaan doorashada la sheegay in laga qaban doono dalka ee qof iyo cod, waxaana ay ka kooban yihiin 10 xildhibaan iyo shan Senatar.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed