Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa faahfaahin ka bixiyay socdaal uu ku tegey dalka Jabuuti oo qeyb ka ah dalalka Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.
Safarka Wasiirka waxaa ku weheliya Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo mas’uuliyiin ka socday Xukuumadda Federaalka iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka.
Wasiir Cabdiqaadir oo ka warbixinayay Socdaalka Jabuuti ayaa sheegay in ay mas’uuliyiinta dalkaasi ka wadahadleen Amniga gobolka iyo hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.
“Waxaa maanta si guul ah noogu soo gabagaboobey booqasho rasmi ah oo aan ku joogney dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Waxay ahayd fursad aan kaga wada hadalnay amniga gobolka iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee bilaabanaya 2025” ayuu yiri Wasiir Jaamac.
Safarka Jabuuti ayaa daba socda ka bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya iyo hirgelinta hawlgalka cusub oo qorshuhu yahay in lagu beddelo, kaasi loo bixiyey AUSSOM.
HBN ONLINE TV

