Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalab u diray maamulada Jubbaland iyo Puntaland

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan gaar ah madaxtooyada kula yeeshay Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka 11-aad ayaa waxaa kala hadlay arimo ku saabsan xaaladda dalka iyo madaxda dowlad goboleedyada ee ka maqan shirka golaha wadatashiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu kulan gaar ah ka codsanayo Labada Gole ee Baarlamaanka 11-aad si uu ula wadaago waxbaayo muhiim ah balse uusan daboolka ka qaadin.

Waxa uu ku sii dooday in uusan weligii ku hungoobin codsi uu u diray Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sidoo kalana uu ka rejaynayo in aanay dhicin wax ka duwan waxyaabihii hore.

“Kulan gaar ah waala ii sameynaa, aniga codsi ayaa la imaanaa, go’aanka idinkaa iska leh, warqaddeyda dastuuriga ah waan soo qoronaa haddii alle yiraahdo oo guddoonka waan usoo gudbinaa,  Maalintaas ayaan sii afeefanaa oo wax weyn oo weyn ayaan soo wadaa, In la iga aqbalo ayaa idinka codsanayaa, weligey kuma hungoobin Baarlamaanka, kan waa midkii ugu muhiimsanaa ilaahey idinkiisa” Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sida oo kale Arrinta Dowlad Goboleedyada mar uu ka hadlay waxa uu sheegay in si guud ay u wada shaqeeyeen, halka kuwa maqan uu tilmaamay in maalmo badan uu la joogay waxna ka aqbalay, isaga cod dheer ku sheegay in ay la hadli doonnaan.

Waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin la hadalka Madaxda Dowlad-Goboleedayda ee ka maqan shirka Golaha Wadatashiga Qaranka si xal waara looga gaaro, waxaana uu shaaciyay in aanay jirin wax dhib ah ama colaad ah oo dhankooda ka jira.

“Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada dhammaantood waan u wada mahadcelinayaa, kuwa maanta naga maqan maalmo badan ayuu nala joogay oo wax badan ayuu nala ansixiyay nala meel mariyay, Walaalaheen waan la hadleynaa, haddii ay naga ogolaadaan in aan u tagno waan u safreynaa oo waan u tageynaa, haddii ay naga ogolaadaan in ay noo yimaadaana waan baryeenaa in ay inoo yimaadaan, Dhib & Colaad wax halkaas ka jira malahan, iyagana waa Mas’uuliyiin ah oo sharaf & karaamo leh waaye” ayuu ku yiri qudbadiisii Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxda ka kaqan shirka golaha wadatashiga qaran oo Muqdisho gogoshiisu taal tan iyo horaantii Bishaan Octobar ayaa noqday mid wax natiija ah laga soo saaro, isaga oo la kulmaya cadaadsiyo dibadda iyo gudaha ah.

Jubbaland oo ugu dambeysay ayaa shirkan isaga baxday 7-dii bishaan, ka dib markii ay saluugtay sida Warbaahinta ay u xaqiijiyeen dad goobjooyaal ah qodobada qaar oo u cuntami waayey madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, waxaana uu dib ugu laabtay magaalada Kismaayo.

Puntland oo si cad u sheegtay in shirkan dan Soomaaliya ugu jirin ayaa carrabowday in aanay ka mid noqon doonin, iyada oo dhaliilo kulul dusha u saartay madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed