Madaxweynaha Somaliland oo eedeymo culus u jeediyey masharaxa Xisbiga Wadani

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland oo maanta khudbad taageero raadin ah ka jeediyay Magaalada Burco ayaa shacabka codeynaya Bisha soo socota ka codsaday in ay codka siiyaan xisbigiisa Kulmiye si uu markale u hoggaamiyo.

Madaxweyne Biixi intii uu ku jiray khudbadiisa waxaa uu weerar toos ah ku qaaday musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro iyo Xisbigiisa Waddani, isaga oo uu ku eedeeyay in uu diyaariyay sida hadalka uu u dhigay jabhado hubeysan si uu qalalaase u billaabo.

Sida oo kale Siyaasadda Xisbiga Waddani ayuu Muuse Biixi sheegay in uu kala furfurayo danaha Somaliland, isaga oo ku faanay in uu marar badan gacanta ka qabtay dhibaatooyin sida uu yiri “uu ku naafeyn rabay Somaliland”.

“Siyaasadda Xisbiga Waddani waxaa ka buuxa Nacayb uu u qabo in Somaliland hirgasho, Cabdiraxmaan Cirro waxa uu ciidan geliyay buurta Gacan Libaax, waa qaran dumis, Xisbiga Waddani waxa uu billaabay in uu rabshado ka shaqeeyo” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.

Ololaha doorashada ayaa socda deegaannada Somaliland ee Saddexda Xisbi ugu weyn iyo ururada, waxaana wakhtiga loo asteeyey uu ku ekaan doona 3 cisho ka hor maalinta doorashada oo ah 13-ka Novembar.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed