Senator Saalax Axmed Jaamac ayaa qaadacay go’aankii shalay uu soo saaray Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ahaa in ku xigeenka Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya uu waayey xubinnimadiisa Golaha Aqalka Sare ka gadaal markii lagu eedeeyey in uusan soo xaadirin fadhiyada Golaha.
Xildhibaan Jaamac oo war saxaafadeed soo saaray saaka ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare uu ku kacay falal aan wafaqsaneyn sharciga, isaga oo ku eedeeyey in Guddoomiyaha uu jabiiyey Dastuurka dalka iyo Xeer Hoosaadka golaha Aqalka Sare.
Warqqda uu soo saaray Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo hal bog ah ayuu yir ku “Waxaan shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaa in warqadda uu soo saaray Guddoomiye Cabdi Xaashi, aysan lahayn wax saldhig sharci ah oo ay tahay waxba kama jiraan.”
Sidoo kale Saalax ayaa ku dooday “Guddoomiyuhu waxa uu si badheedh ah uga been sheegay in aan ka maqnaa dhammaan Kulamadii Baarlamaanka, iyada oo aan ka qaybgalay Kulamo Golaha Aqalka Sare ah iyo Kulamo Wadajir ah oo uu yeeshay BJFS.”
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamaca oo warkiisa ku sheegay in uusan ka qeyb galin kulan kasta oo ay yeesheen Senatorada Aqalka Sare, ayaa carrabka ku dhuftay in ay sababtay mas’uuliyad saaran ee xilka ku xigeenka Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.
HBN ONLINE TV