Mareykanka oo taageerada hubka ee Israa’iil ku bixiyay ku dhawaad 18 bilyan oo doolar tan & bilowga dagaalka Qasa.

Daraasad cusub oo ay soo saartay Jaamacad ku taal dalka Maraykanka ayaa Isniintii muujisay in Maraykanku uu ugu yaraan 17.9 bilyan oo doolar uu ku bixiyay gargaarka milatari ee Israa’iil tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza.

Daraasada oo ay daabacday wakaalada wararka ee AP ayaa waxaa diyaarisay Jaamacada Jaamacadda Brown, waxaana lagu sheegay in “Cilmi-baarayaashu natiijada u soo baxday ay noqotay in $4.86 bilyan oo dheeraad ah lagu bixiyay xoojinta hawlgallada militariga Mareykanka ee gobolka tan iyo weerarkii 7-dii, Octobar 2023.”

“Tani waxaa ka mid ah kharashaadka ku baxaya ololaha ay horkacayaan ciidamada badda Mareykanka ee lagu doonayo in lagu xakameeyo weerarrada maraakiibta ganacsiga ee Xuutiyiinta Yemen, kuwaas oo sheeganaya inay ku taageerayaan Xamaas”, ayaa lagu yiri daraasadda.

Inta badan hubka Mareykanka uu soo dhiibay ayaa ah noocyo kala duwan waxaana ka mid ah madaafiic ilaa 1 tan ah, waxaa kale oo ka mid ah bambaanooyinka la hago & agab kale oo ciidan.

Daraasada ayaa sidoo kale waxaa lagu xusay in kharash ka badan $4 bilyan oo lagu dayactirayo nidaamka difaaca gantaalada ee Israa’iil. Iron Dome iyo David Sling, in lagu iibiyo hubka iyo waliba shidaalka diyaaradaha.

Si ka duwan, sida cad ee loo diiwaangeliyay kaalmada milatari ee Maraykanka siiyay Ukraine, waxaan suurtogal ahayn in la helo faahfaahin buuxda oo ku saabsan waxa Maraykanku u soo diray Israa’iil tan iyo Oktoobar 7, taasi oo ka macno ah inay suurtagal tahay in kaalmadaasi military ay ka badnaan karto inta hadda la sheegay ee ah $ 17.9 bilyan oo doolar.

Warbixintan ayaa waxaa lagu soo beegay maanta oo Isniin ah oo ay u beegan sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii ay Israa’iil bilawday, iyada oo taageero ka helaysa Maraykanka, dagaalka lagu sifeeyay xasuuqa ee ka socda Qaza, kaas oo ilaa hadda sababay dhimashada & dhaawaca in ka badan 139,000 oo Falastiiniyiin ah iyo in ka badan 10,000 oo kale oo la la’yahay, iyadoo ay jirto burbur iyo macaluul baahsan oo galaaftay nolosha tobanaan kun oo caruur ah iyo waayeelka.

Tel Aviv waxa ay sii waddaa dagaalka lagu xasuuqayo dadka ku nool marinka Qaza iyada oo aan tixgalinayn go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ahaa in si degdeg ah loo joojiyo iyo amarada Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda si loo qaado tillaabooyin looga hortagayo falalka “xasuuqa” iyo hagaajinta xaaladda bini’aadantinimo ee daran ee Gaza.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed