Puntland oo sheegtyay inay diyaar u tahay iney wada hadal la furto dowladda dhexe.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayay shir lagu qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin wada hadal xal loogu gaaro qilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulkiisa.

Sacaiid Deni oo wada hadalka shuruud kaga dhigay in meel fagaare ah laga dhigo ayaa carrabaabay in Puntland ay diyaar u tahay wada hadal aan qarsoodi aheyn, kaasi oo xal loogu raadinayo soo celinta wada shaqeyntii ay la lahaayeen Dowladda Soomaaliya.

“Puntland haddaan nahay waxaan rabnaa in aan qirno in aan Wada-hadal diyaar u nahay. Puntland waxay diyaar u tahay meel fagaare ah in lagu wada-hadlo oo aan qol qarsoodi ah ahayn, haddaan qaldanahay in nala qabto baan rabnaa, haddaan saxanahay-na in nala ayido” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in Dowlada dhexe iyo Puntland ay isku hayaan waa sida hadalka uu u dhigaye aragti xoog leh oo ku qotonta dhanka sharciga iyo dastuurka, balse siyaasad kale isku haysan.

Sida oo kale Deni ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in ay maskax iyo maal ku bixiso waa sida uu hadlka u dhigaye isku keenista dadka Soomaaliyeed, si colaadaha ka dhex jira dadka Soomaaliyeed xal waara loogu gaaro.

“Puntland waxay diyaar u tahay isku keenista Soomaaliya in ay maskax iyo aqoon iyo dhaqaale-ba ku bixiso” ayuu ku daray.

Ugu dambeyna waxa uu ugu baaqay dhammaan madaxda dalka, kuwa Maamul Goboleedyada, Xisbiyada iyo Ururada Siyaasada in ay masuuliyad iska saaraan una istaagaan horumarka dalka isla markaana la furo madal la isugu keenayo intii wax kala tabaneysa.

Siyaasadda is diidan ee u dhaxeysa Dowladda Soomaaaliya iyo Puntland muddo soo taagneyd ayaa ragaadisay shirarkii iyo wada shaqeyntii u dhaxeysay, iyada oo maamulku dhowr jeer ku eedeyey dowladda ka xad gudbitaanka dastuurka dalka iyo sharuucdii lagu heshiiyey, halka dowladda arintaasi beenisay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed