Ra’isalwasaaraha Soomaaliya oo u ambabaxay dalka Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay maanta magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay oo uu kaga qaybgalayo Kalfadhigga 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Kulanka sannaddan ee Kalfadhiga Golaha Qaramada Midoobay oo lagu macneeyey “Cidna lagama tagin” oo si wadajir ah caalamku uga wada shaqeeyo horumarinta nabadda, xaqiijinta horumar waara iyo ilaalinta sharafta binii’aadamka jiilalka maanta iyo kuwa mustaqbalka ayaa Soomaaliya kaga hadli doontaa waxyaabaha la gudboon iyo xaaladda Gobolka.

Sida oo kale Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa hadal ka jeedi doona kulnaka, isaga soo bandhigiya doorka muhiimka ah ee qaaradda Afrika ee dejinta ajendayaasha caalamiga ah, iyadoo si gaar ah xoogga loo saari doono ahmiyadda midnimada iyo kala duwanaashaha oo aasaas u ah helitaanka nabad iyo horumar waara.

Sida oo kale Soomaaliya oo laga qaaday cunaqabateynta Hubka ayaa dadka lafa0-gura xaaladda gobolka sheegeen in ay shirka ka raadi doonta sidii ay u heli laheyda Wadamada ka taakuleeya dhanka saadka Ciidamada iyo dib u dhiska ciidamada qaranka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed