Maxaa ka soo baxay kulankii IGAD iyo Soomaaliya ee Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa faah-faahin ka bixiyay waxyaabaha ay kawada hadleen Xoghayaha fulinta ee Urur Goboleedka IGAD.

Danjire Fiqi ayaa hoosta ka xariiqay in xaaladda gobolka gaar ahaan xalaadihii dhaliyay xiisadda Soomaaliya kala dhaxeysa Itoobiya ay kala hadleen xoghayaha fulinta urur goboleedka Bariga Afrika.

“Wafdiga maanta noo yimid waxaan kala hadalnay xaaladda gobolka oo ay ku jiraan arrimaha Itoobiya iyo Soomaaliya isku hayaan, waxa aan rajeyneynaa in waxyaabaha taagan qaybtooda ka ciyaarto, innagana aan ku garab istaagno” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Shacabka Itoobiya ayuu u sheegay in aanay wax dagaal ama colaad ah kala dhaxeyn balse cidda ay is hayaan ay tahay Xukuumadda talada heysa oo ku dhaqaaqday heshiis kahor imaanaya midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Shacabka Itoobiya dhibaato nagama dhaxeyso, laakiin nidaamka dalkaas ka jira ayaan wax isku diidnay, waxa aan rajeyneynaa waxa gobolka yaallo iska xalismo oo caqliga soo laabto” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Danjire Axmed Macallin Fiqi.

Xoghayaha fulinta urur goboleedka Bariga Afrika Workneh Gebeyehu oo wafdigiisa casuumaad rasmi ah ka helay Soomaaliiya ayaa waxaa ay kalankoodii ka soo baxay in Soomaaliya laga sameeyo xarunta IGAD raacsan ee qayraadka Buluugga ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed